Faah Faahin: Qaraxyadii Ismiidaaminta Ahaa Ee Lagu Weeraray Hotel Jaziira

Muqidho (KON)- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo ismiidaamin ah oo maanta lala eegtay Hotelka Al Jazeera oo ku yaalla afaafka hore ee garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho uuna deggan yahay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Proff. Xassan Sheekh Maxamuud.
Warar Keydmedia Online
Faah Faahin: Qaraxyadii Ismiidaaminta Ahaa Ee Lagu Weeraray Hotel Jaziira

Qaraxyadaan waxaa ay ahaayeen labo qarax oo ay fuliyeen naf tood hurayaal ah waxaana mid kamid ah qaraxyadaasi uu ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Al Jazeera oo ay xiliyadii ay dhacayeen ay ka socdeen kulamo ay wada qaadanayeen Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo wafdi ka socday dowladda Kenya iyo beesha caalamka.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay meel banaanka ah Hotelka waxaa isagana geystay qof isa soo miidaayey, waxaa jira dad kale oo kamid ahaa kuwa isqarxin rabay, hase yeeshee ay toogteen Ciidamadii ilaalada ka hayey Hotelka.
Ilaa hadda inta la xaqiijiyay 5 qof oo ay ku jiraan 3 ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa ku dhibnrat qaraxaasi halka ay khasaaraha qaraxaasi uu aad u badan yahay.

Xilliga qaraxyadu dhacaayeen Hotelka waxaa ka socday kulan uu dhexeeya Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Fedraalka ah ee Soomaaliya Proff. Xassan Sheekh Maxamuud, wasiirka arrimaha dibadda Kenya Moses Watangula, ku xigeenka wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Wafula Muwanyiyi iyo masuuliyiin kale.

Wixii ku soo kordha kala soco [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]

Keydmedia Online -Xafiiska,Muqdisho