Faah Faahin: Sargaal Dowladda Soomaaliya Ka Tirsan oo Sh/Hoose Lagu Dilay

Marka (KON)- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weerar uu ku geeriyooday Taliyihii Guutada 5-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Genaraal Maxamed Faarax “Gordan” kaasoo ka dhacay wadada isku xirta magaalada Marka iyo degmada Afgooye.
Warar Keydmedia Online
Faah Faahin: Sargaal Dowladda Soomaaliya Ka Tirsan oo Sh/Hoose Lagu Dilay

Weerarkaan ayaa ka dhacay deegaanka Buufow, halkaasoo ay weerar gaadma ah ku qaadeen kolonyo uu la socday Genaraal Maxamed Faarax “Gordan".

Genaraal Maxamed Faarax “Gordan" ayaa u geeriyooday rasaas kaga dhacday madaxa, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo soo gaaray ilaa sadex askari oo la socday Baabuurka la weeraray.

C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Genaraal Maxamed Faarax “Gordan"  uu ku geeriyooday weerar ay Maleesihiyaadka Shabaab ay ku qaadeen kolonyo uu la socday.

C/casiis Abu Muscab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaasi lagu dilay Genaraal Maxamed Faarax “Gordan" .

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.