Faah Faahin: Weerar Xalay Markale Lagu Qaaday Garoonka Diyaaradaha Kismaayo

Kismaayo (KON)- Wararka saaka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada Hoose ayaa soo sheegaya in xalay markale weerar lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Kismaayo oo ay ku suggan yihiin Ciidamada Dowladda Kenya.
Warar Keydmedia Online
Faah Faahin: Weerar Xalay Markale Lagu Qaaday Garoonka Diyaaradaha Kismaayo

Weerarka Garoonka Kismaayo lagu qaaday ayaa daba socday weerar madaafiic ah oo xalay la isku waydaarsaday gudaha magaalada Kismaayo, waxaana qeybo ka tirsan magaalada xalay laga maqlayay dhawaqa rasaas aad u culus oo la is waydaarsanayay.

Goobjooge ku suggan magaalada Kismaayo oo magaciisa ka gaabsaday in la xuso sababa dhanka amaanka ah ayaa KON u sheegay in Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab ay xalay weeraro ku soo qaadeen Garoonka Diyaaradaha iyo saldhiga magaalada Kismaayo, halkaasoo uu iska hor imaad xooggan ku dhex maray labada dhinac.

Ma cada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska hor imaadka xalay ka dhacay magaalada Kismaayo, balse arrintaan amaan darada ayaan imaaneysa xili magaalada Kismaayo ay ku suggan yihiin wafuuda iyo gudga farsamo ee Maamul u sameynta magaalada Kismaayo iyo guud ahaan Jubbooyinka.

Al Shabaab wali kama aysan hadlin weerarka xalay lagu qaaday magaalada Kismaayo, balse maalmo ka hor weerarkii lagu qaaday Garoonka Kismaayo waxaa sheegatay Shabaab.

Keydmedia Online -Xafiiska, Kismaayo