Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Weraarkaas waxuu socday mudo 50tan daqiiqo ah, sida la sheegayna waxuu dhex maray dagaalkaas si fiican loma fasirin. Goobta waxaa ku sugnaa Ciidamadda Amisom oo lahaa Difaaca Kowaad, waxaa Goobta Difaaca labaa Shalay Galab la soo dhoobay Maleesiyo Beeleedka AxmedMadoobe waana meeshaas Goobta ay Xabadahu Xalay ka soo dhacahayeen.
Ganacsade Maxamuud Cilmi (Afleyrshe) oo ka mid ah Dadka degaanka ayaa Keydmedia u sheegay in ay maqleen Rassas xoogan oo mar kaliya is qabsatay waxayna socotay qadar saacad ka yar, waxayna ka bilaabatay Qiyaas ahaan meel ay ku sugnaayeen Maleesiyo ku aadkii Maqribadii la soo galiyey.
Kooxda AxmedMadoobe oo ka hadashay Weerarkaas ayaa waxay dusha ka saartay in ay fuliyeen Kooxda Shabaab. Lama Xaqiijin Weeraarkaas Qasaaraha Dhimasho iyo dhaawac kaliya waxay Idaacada AxmedMadoobe ku celcelisay inuu xalay la Weraray Hoyguu ku sugnaa R/W Soomaaliya C/wali Sh.
Keydmedia online - Xafiiska Muqdisho
Add comment
Comments