Faahfaahin: Dagaal xooggan oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Ciidamada xoogga dalka ayaa guulo ka sheegtay Dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan, kaas oo ay AlShabaab kaga qabsadeen degaanka Ceel-bacad.

Warar Keydmedia Online
Faahfaahin: Dagaal xooggan oo ka dhacay gobolka Hiiraan

BUULO-BURTE, Soomaaliya - Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada xoogga dalka Soomaaliya qeybta 27aad iyo Kooxda Al-Shabaab ayaa ka dhacay gobolka Hiiraan.

Sida lagu baahiyay warfaafinta Dowladda Fadaraalka, howlgal ay CXDS qeybta 27aad ka sameeyeen degaanka Ceel-bacad oo hoos tagta degmada Buulo-burte, ayaa Al-Shabaab lagu gaarsiiyay qasaaro xooggan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal, Odowaa Yuusuf Raage oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka qasaaro xooggan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, lagana dilay in ka badan 20 dagaalame, halka laga qabsaday agab milatari.

Ciidamada Dolwadda ayaa la wareegay degaanka lagu dagaalamay ee Ceel-bacad, oo u dhaxeeya degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay Kooxda Al-Shabaab, waxaana degaannada ay ku sugan yihiin ee gobolka laga dareemayaa dhaqdhaqaad ciidan sida ay warinayaan goobjoogayal ku sugan Buulo-burte.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.