Faahfaahin: Hoobiyayaal ku dul habsaday dad shacab ah

Tiro hoobiyayal ah ayaa saaka ku soo dhacay xaafadoo tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, waxayna sababeen qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warar Keydmedia Online
Faahfaahin: Hoobiyayaal ku dul habsaday dad shacab ah

MUQDISHO, Soomaaliya – Hoobiyayaal ayaa ku habsaday qoysas degan agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho saakay, waxaana la soo warinayaa inuu jiro qasaare xooggan oo ka dhashay madafiicda lala dhacay degmada Wadajir.

Ugu yaraan Afar hoobiye ayaa ku dhacaday agagaarka goroonka diyaaradaha, waxaana ku dhintay ugu yaraan 3 ruux oo shacab ah,  halka intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Qasaaraha ayaa intaas ka badan kara maadaama laamaga ammaanka Dowladda aysan wali ka hadlin arrintaan.

Hoobiyaasha ayaa la aminsan yahay in lala damacsanaa qeyb kamid ah xeendaabka garoonka diyaaaradaha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin dhamaan Madaxda dalka iyo guud ahaan wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Ma aha markii koobaad oo hoobiyayal loo wado Garoonka diraaradaha ay ku dul daataan dad shacab ah, Sagaalkii bishaan Maarso ayay ahayd markii sidaan oo kale duqeyn loo waday Xerada Xalane ay ku dul da’day shacabka degmada Wadajir.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.