Faahfaahin khasaaraha Qarax ka dhacay Muqdisho

Labo qof ayaa ku dhimatay, qaar kalena way ku dhaawacmeen qaraxa oo ahaa miino jidka lagu aasay.

Warar Keydmedia Online
Faahfaahin khasaaraha Qarax ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Labo qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay, qaar kalena way ku dhaawacmeen, kuwaasoo ay askar kamid ahaayeen qarax ka dhacay Xeyle-Bariise, oo ku dhaw Ex-control Balcad ee magaaladda Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino wadada qarkeeda lagu aasay ayaa lala eegtay Gaari uu watay gudoomiye waaxeed katirsan Xaafadda Daaru-salaam, sida dadka goobjooga u ahaa dhacdada u sheegeen KON.

Gaadiidka gurmadka ayaa goobta gaarey, waxayna kasoo qaadey dhaawacyada oo Isbitaal la dhigay. Wararka ayaa sheegaya in dadka ku naf waayay qaraxa ay ahaayeen shacab Mooto Bajaaj la socday.

Waxaa jira qarax kale oo saakay ka dhacay Tarabuunka ee degmada Hodon, kaasoo isna ahaa Miino, mana la oga khasaaraha ka dhashay.

Muqdisho waxaa kusoo kordhaya qaraxyada iyo dilalka, iyadoo Al-Shabaab ka faa'idaysanayso qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan doorashadda dib u dhacday.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.