Faahfaahin: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa caawa lagu qarxiyay maqaayadda Luul Yemeni ee ku taalla degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Warar Keydmedia Online
Faahfaahin: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Muqdisho, Soomaaliya – Kadib Salaaddii cisho ee caawa, qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa laga maqlay dhawaqa qarax xooggan, kaas oo ka dhacay degmada Xamar Jajab.

Sida la xaqiiyiyay qaraxa ayaa lala beegsaday maqaayad lagu caweeyo oo la yiraahdo Luul Yemeni, waxaana qaraxa ka dhashay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay halka ku dhawaad 40 kale ku dhaawacantay, sida wararku sheegayaan.

Qaraxa ayaa dumiyay guryo ku dhawaa Maqaayadda, waxaana hadda socda gurmad xooggan oo loo sameynayo dad ku hoos jira dhismaha burburay.

Inta badan waddooyinka degmada Xamar Jajab ayaa galinkii danbe ee maanta xirnaa, waxaaana la is weydiinayaa halka uu maray gaariga is qarxiyay, maadaama ciidamo fara-badan ku sugnaayen galabta isgooysyada degmada.

Shalay ayay ahayd markii Keydmedia Online baahisay xog sheegeysa in Muqdisho ay qarxyo ka dhici doonaan, shanta ilaa Siddeedda bishaan.

Dowladda uu waqtigu ka dhamaaday ayaa muhiimaddeeda oo dhan isugu geysay caburrinta shacabka iyo la dagaalanka mucaaradka aan hubeysneyn, waxaana indha ka daboolatay amni darrada sii kordheysa.

KEYDMEDIA ONLINE.

Commenting is not available in this channel entry.