Faahfaahin: Qarax ka dhacay Xero Nacnac –Muqdisho

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa goobta garuxu ka dhacay isku gadaamay, waxaana la istaajiyay isku socodkii aagga Xetada tabaradda ee Nacnac.

News Keydmedia Online
Faahfaahin: Qarax ka dhacay Xero Nacnac –Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya -  Qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay goob lagu qaxweeyo oo ku taalla ka soo hor jeedka xero lagu tababaro ciidanka oo lagu magacaabo Xero Nacnac, oo ku taalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dhawaqa qaraxa oo si weyn loo maqlay ayaa sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, gawaarida gargaarka degdegga ah ayaana durba qaar ka mid ah isbitaallada magaalada gaarsiiyay daawacyo badan.

Sida ay Keydmedia Online u sheegeen dad goob joogayaal ah, qof xiran Jaakadda Qaraxa, ayaa isku dhex qarxiyay dad ku sugnaa maqaayad lagu shaaxo galbihii oo ka soo hor jeedda Xero Nacnac.

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad shan ruux oo shacab u badan ayaa ku naf-waayay qaraxa halka in ka badan 10 kalana ku dhaawacmeen.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa goobta garuxu ka dhacay isku gadaamay, waxaana la istaajiyay isku socodkii aagga Xetada tabaradda ee Nacnac.

Xero Nacnac, waxa ay ku tallaa Xarunta Warshaddii hore ee Nacnaca, waxaana lagu tabaraa Cutubyo Ka Tirsan Ciidmada Xooga dalka.

Waxaa hore loola eegtay qaraxyo kala duwan, waana goob sida muuqata bartilmaameed u ah siyaasadaha is diiddan ee dalka jira xilligaan.

Amni-darrada Caasimadda ayaa siyaadday maalmihii la soo dhaafay, waxaana loo aaneynayaa in kooxda waqtigu ka dhamaaday siyaasadeysay amniga Caasimadda.

Amarro amni oo siyaabo kala duwan uga soo baxay Xaafiiska Wasiirka Amniga Gudaha, ayay si cad kaga hor yimaadeen shaqsiyaadka ku magacaaban amniga gobolka Banaadir.

Is-barbaryaaca iyo kala amar qaadasho la’aanta siyaasadeed, waxa ay sababtay in amnigu faraha ka baxao, waxaana qaraxyada oo joogto noqday Muqdisho u dheer kooxo burcad ah oo dharaarta cad waddooyinka ku dhacaya shacabka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.