Faahfaahin: Qarax ka dhacay Saldhigga booliska degmada Waabari

Qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan saldhigga booliska Degmada Waabari.

Warar Keydmedia Online
Faahfaahin: Qarax ka dhacay Saldhigga booliska degmada Waabari

MUGDISHO, Soomaaliya – Weerar is-miidaaamin ah ayaa caawa lagu qaaday saldhigga booliska degmada Waabari ee goolka Banaadir, waxaana jira qasaaro dhimasho iyo dhaaac leh.

Warar hor dhac ah ayaa xaqiijinaya geerida Allaha u naxariistee Taliyihii booliska degmada Waabari, Axmed Baashane, oo ka mid ah howl-wadeennada booliska ee ugu caansan caasimadda.

“Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayay  kooxaha Argagixisadu ku dhufteen Afaafka hore ee Saldhiga booliska degmada waaberi oo ku yaala Isgayska Dabka Qarax ayaa geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, Taliyihii Saldhiga Waaberi Axmed baashane (Colaalay) ayaa ku geeriyooday ilaa hada inta la ogyahay”. Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Dhanka kale Allaha u naxariisto Gaashaanle Dhexe Cabdi Baasid Maxamud Cageey, oo ahaa ku xigeenka Taliyaha Qeybta Waliyoow Cadde ee Booliska Gobalka Banaadir, ayaa ka mid noday saraakiisha ku geeriyootay qaraxa.

Waxaa soo baxaya warar kale oo sheegaya geerida saraakiil kale oo muhiim ah, dhaawac xooggan ayaa jira, halka ay jiraan dad shacab ah oo khasaaro xooggan soo gaartay.

Degaanka uu qaruxu ka dhacay ayaa aad u burburay, waxaana Isbitaaladda magaalada la geeyay dhaawacyo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.