Faahfaahin laga helay dagaal ka dhacay buu-hoodle

Buu-hoodle(Keydmedia) Waxaa laga helayaa xoga dheeri ah dagaal beeleed shalay ka dhacay inta u dhaxeysa Buu-hoodle iyo Boorame kaasoo dhex maray beelo deegaanka ah.
News Keydmedia Online

Wararka aynu ka heleyno deegaanadaasi ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen dad tiradooda ay ka badantahay 5 ruux iyadoona ay ku dhaawacmeen 8 kale oo iminka lala tacaalaya xaaladooda caafimaad.

Odayaal iyo waxgarad ka soo kala jeeda labada beelaha dagaalamay ayaa iminka dadal ugu jira sidii ay xasilooni ugu dabaali lahaayeen deegaanka isla markaana ay u hakin lahaayeen colaadda u dhaxeysa maleeshiyaadka isku deegaanka ah.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii labada dhan ay isku maandhaafeen arimo la xiriira ceelal laga qadayo agagaarahaasi kuwaasoo dhan walba gacanta sare inuu ku yeesho uu ku hamiyay.

 www.keydmedia.net