Faahfaahin laga helay mino ka qaraxday duleedka Guriceel

Guriceel(Keydmedia) Deegaan qiyaastii 60 km u jira degmada guriceel ee gobalka Galguud ayaa shalay galinkii danbe waxaa ay miino kula qaraxday gaari ay saarnaayeen dad xoolaleey ah.
Warar Keydmedia Online
Faahfaahin laga helay mino ka qaraxday duleedka Guriceel

Dadka ay miinada la qaraxday ayaa saarnaa gaari iyagoona u naq raacayay deegaan laga sheegay roob maadaama dhawaanahaba roob la’aan ba’an ay ka jirto gobalada dalka qaarkood.

Inta la xaqiijiyay qaraxaasi miino ayaa waxaa ku geeriyooday 4 ruux iyadoona in ka badan 5 kale uu dhaawac soo gaaray sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Gudoomiyaha degmada guruceel ee maamulka Ahlu-suna Cismaan Ciise (Taardhuleed) ayaa sheegay in miinada ay aheyd mid waaadii dagaaladii sokeeye goobta lagu aasay, waxaana uu ka dalbaday hey’adaha ka shaqeeya mina barista in gobalka ay soo gaaraan.

Www.keydmedia.net