Faahfaahin laga helay qarax xalay ka dhacay Kenya

Nairobi(keydmedia) Warar isa soo taraya ayaa laga helayaa qarax xalay ka dhacay goob basaska laga raaca oo ku taala magaalada Nairobi ee Caasimada Kenya, waxaana goobta boosteejada qaraxa uu ka dhacay ay aheyd tan laga raaca gawaarida aada Magaalada Kambaala ee Caasimada Uganda.
Warar Keydmedia Online
Faahfaahin laga helay qarax xalay ka dhacay Kenya

Qasaaraha ilaa iyo hadda la ogaaday ayaa ah dhimashada 3 ruux oo midkood sida la sheegay uu yahay ninkii walxaha qarxa iyo dhaawaca 36 ruux oo rayid ah, waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay badankood ay ahaayeen muwaadiniin u dhashay Uganda

Wararku waxay sheegayaan in seddex nin oo ka mid ahaa dadkii goobta taagnaa ay abaabulayeen qaraxa isla markaana ay damacsanaayeen in kolka uu dhaqaaqo ay fuliyaan qaraxa, waxaana keenay in qaraxa uu xiligiisa ka hormaro Booliska oo baarayay dadka gaadiidka raacaya.

Falkan qaraxa ah ayaa yimid xili xili dhawaan sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska Uganda uu uga digay shacabka reer Uganda  weeraro ay qaadaan kooxaha ka dagaalama Soomaaliya inta lagu guda jiro u dabaal daga ciida kirismiska.

Dhanka kale dadka Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Kenya ayaa si weyn uga walaacsan qaraxaasi waxaana dadka Soomaaliyeed ay in badan ka cabsi qabaan in ay la kulmaan xarig iyo jirdil

keydmedia.net

________________________________________________________________________
KEYDMEDIA ENGLISH - DAILY NATIONAL & INTERNATIONAL NEWS