Faahfaahin: Qaraxii Shalay ka dhacay Kismaayo // Xaalada Magaalada ee Saakay

Kismaayo (KON) - Xaalada Xarunta gobalka Jubbada Hoose ee Kismaayo ayaa Saakay Deggan, kadib markii Shalay ka dhacay Qarax oo Xalaynah lagu soo rogay Magaalada bandow.
Warar Keydmedia Online
Faahfaahin: Qaraxii Shalay ka dhacay Kismaayo // Xaalada Magaalada ee Saakay

Qaraxii Xalay ayaa ka dhacay Aargada magaalada, waxaana lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda oo halkaasi ku sugnaa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ugu yaraan Afar ey ku dhimatay sagaal kalena dhaawac kasoo gaaray.

Dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa la geeyay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo si loo daweeyo.

Dhaqdhaqaaqii Magaalada ayaa dib u bilowday Saakay, waxaa magaaalada ka jira Cabsi.

"Magaalada waxey isku badashay Meel Daqiiqad walba lagu noolyahay Cabsi" Ayuu yiri Ganacsate la hadlay Xafiiska KEYDMEDIA ONLINE ee Kismaayo.

Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo