Faahfaahinta dagaalkii Wisil ka dhacay

Dagaal xooggan oo u dhaxeeeya Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo is garabsanaya iyo kuwa kooxda Al-Shabaab ayaa wuxuu ka dhacay degaanka Wisil ee gobolka Mudug

Warar Keydmedia Online
Faahfaahinta dagaalkii Wisil ka dhacay

WISIL, Soomaaliya - Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalkii xooganaa ee ka dhacay degaanka Wisil oo ka tirsan gobolka Mudug ee u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo is garabsanaya iyo kuwa dagaalyahannada Al-Shabaab.

DF ayaa ka hadashay weerarkaasi oo dhacay aroornimadii hore ee saakay, kaasoo  Al-shabaab ay ku qaadeen degaanka Wisil ee waqooyiga Gobolka Mudug, Wasiir uhadlay Xukuumadda xilgaarsiinta ah ayaa waxaa uu sheegay in ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad, kuwa Galmudug iyo dadka deegaanka Wisil ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Al-Shabaab laga hor istaagay inay qabsadaan degaanka Wisil, isla markaana lala galay dagaal culus, isagoona tallaabadaas ku boggaadiyay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug. Inkastoo weerarka uu u muuqday mid ku-dhufo oo ka-dhaqaaq ah, islamarkaana aysan u ekeen ciidan meel qabsan raba oo hub iyo saanad badan wata, haddana tiradii yareed ee weerarka soo qaadday ayaa isaga baxsaday.

Maamulka Galmudug weli kama hadlin sida ay wax u dhaceen iyo dhinacooda haddii uu jiro khasaare soo gaaray, inkastoo tiro kamida ciidamadii iska caabinta sameeynayay iyo shacabkii degaanka ku sugnaa ay ku geeriyoodeen.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa iyagana dhankooda waxay sheegteen in ay dileen tiro 30 ruux gaareysa oo kamida ciidamadii dowladda iyo kuwa Galmudug ee ku sugnaa halkaas, inkastoo aysan soo bandhigin wax caddeyn ah oo muujinaya suurtagalnimada warkaas, haddana waxay u muuqataa in labada dhinacba ay guulo sheegayaan iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn baaxadda uu gaarsiisan yahay khasaaraha.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.