Fadhiga Barlamanka oo la keenay Mowshin ka dhan ah Kireynta Safaarada Somalia ee Taliyaaniga

Muqdisho (KON) - Fadhigii Shalay Barlamanka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho oo uu shirgudoominayay Gudoomiyaha Baralamanka iyo ku xigeenkiisa 2-aad ayaa waxaa looga hadlay Kireynta Dhismaha Safaarada dowlada Somalia yak u leedahay dalka Taliyaaniga.
Warar Keydmedia Online
Fadhiga Barlamanka oo la keenay Mowshin ka dhan ah Kireynta Safaarada Somalia ee Taliyaaniga

Fadhiga ayaa waxaa Mowshin arintaasi ku aadan keenaya Xildhibaano ka tirsan Barlamanka kuwaasi oo ku baaqay in wasaarada arimaha dibada ay cadayso waajibaadka ka saaran badbaadinta dhismaha safaarada ee dalka Taliyaaniga oo uu dhowaan kireeyay Safiirska Somalia u fadhiya dalka Taliyaaniga Nuur Xasan Xuseen ‘Nuur Cadde’.

Xildhibaanada ayaa ku doodayay in hantida Qaranka ay u baahantahay xilligan Badaabado,iyagoo xusay in aan marna loo dulqaadan karin in Shaqsi uu kireeyo Hantida qaranka,iyadoo aysan ka warhayn dowlada Somalia.

Doodan ayaa imaanaysa xilli dhowaan Nuur Cadde oo wareysi siiyay Idaacada Shabelle uu cadeeyay in uu shirkada dhinaca dalxiiska qaabilsan oo laga leeyay dalka Taliyaaniga uu ka kireeyay,iyadoo arintaasina ay si weyn uga soo horjeesteen soamaalida ku nool wadanka Taliyaaniga kuwaasi oo ugu baaqay madaxda sare ee dowlada inay soo farageliyaan.

Halkaan ka Aqriso Warbixinta KEYDMEDIA ONLINE

Shabelle radio