Fadhigi Baarlamaanka Maanta oo lagu ansixiyay qodob ku aadan Labiska

Muqdisho (Keydmedia) Iyadoo la wada ogyahay in xiligan Dalka ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo u baahan in wax laga qabto ayaa hadana maanta Xildhibaanada Baarlamaanka kulan ay qaateen waxa ay uga doodeen qodob ku aadan qaab labiskooda.
Warar Keydmedia Online
Fadhigi Baarlamaanka Maanta oo lagu ansixiyay qodob ku aadan Labiska

Doodan oo aheyd mid ku saabsaneed xeer hoosaadka ayaa sida la sheegay qodobka 18-aad ee xeerka uu ka hadalayaa arimaha labiska iyo is qurxinta xildhibaanada, waxaana cod dheer oo aan kaa aamusid laheyn ku ansixiyeen xildhibaanada in labistkooda uu noqdo mid qurxoon oo soo jiidasho leh.

Soomaalida oo ah Bulsha maamaahda iyo murtida wax ku cabirta ayaa waxa ay yiraahdaan cimrigaagoo raagay geel dhalaayana waa ku tusaa, iyadoo Shacabka Soomaaliyeed ay macluul, gaajo iyo xabad ay dileyso isla markaana Baarlamaanka inta la xasuusan yahay aanu maalin ka hadlin soo wax lala yaabo  ma ahan in laga doodo labis iyo wax la mid ah.

www.keydmedia.net