Fadhigii Baarlamanka oo lasoo gabagabeeyay

Fadhigii Golaha Shacabka Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lasoo gabagabeeyay isagoo kusoo dhammaaday jawi daggan oo buuq la'aan ah

Warar Keydmedia Online
Fadhigii Baarlamanka oo lasoo gabagabeeyay

MUQDISHO, Soomaaliya - Fadhigii Golaha Shacabka BJFS ayaa lasoo gabagabeeyay isagoo kusoo dhammaaday jawi daggan oo buuq la'aan ah, Ajendaha kulanka ayaa looga dooday

  1. Covid-19
  2. U Codeynta laba xubnood ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha
  3. U Codeyn Sharciga Qaxootiga Qaranka.

Kulanka Waxa si wada jir ah u shir Guddominayay Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxman iyo guddoomiye ku xigeenka 1-aad Cabdiwali Ibraahim Sheikh Muudey iyo Guddoomiye ku xigeenka 2-aad Mahad Cabdalle Cawad.

Kulanka ayaa furmay waxaana warbixin dheer laga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda xil gaarsiinta ah ee Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar, waxayna ku dheeraatay saameynta Caabuqa Covid-19 ee dalka Soomaaliya, waxayna sheegtay in laba kacleynta Caabuqa ee sanadkan 2021 uu ku badnaa gobollada dalka, halka sanadkii hore ay dhimashada Covid -ka ugu badneed magaalada Muqdisho.

Wasiiradda waxay u mahad celisay Shirkado iyo shakhsiyaad ganacsato ah oo qeyb ka qaatay sidii loola tacaali lahaa xanuunkan, waxay sidoo kale umahad celisay dhaqaatiirta u dhabar-adeegtay sidii wax looga qaban lahaa xanuunkan adduunka oo dhan ka qeeliyay.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS  ayaa ansixiyay Axmed Zeylici Muuse iyo Maxamed Cusmaan Cabdullaahi Xamza oo ka mid ah Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha iyo Federaalka, waxaana ogolaatay 136 -Xildhibaan 3-Xildhibaan  ayaa ka aamustay wax diidayna ma jirin, waxaana la dhaariyay labada xubin markii uu soo dhammaaday kulanka.

Kulankan waxaa dibad-joog ka ahaa 15 Xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamanka JFS kuwaasoo loo diiday in ay soo fariistaan fadhiga maanta, waxaana ciidamo la dhigay Isgoysyada laga galo madaxtooyada ay u diideen Xildhibaanadaasi in ay ka tallaabaan baraha koontarool oo aad loo adkeeyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.