Fahad iyo Farmaajo oo sare u qaaday beegsiga saraakiisha NISA

Ikraan uguma horeyso ugumna danbeyso dadka ku maqan gacanta Fahad Yaasiin, waxaa jira Saraakiil kale oo badan oo NISA ka tirsanaa, kuwaas oo illaa hadda nolol iyo geeri lagu la'yahay.

Warar Keydmedia Online
Fahad iyo Farmaajo oo sare u qaaday beegsiga saraakiisha NISA

MUQDISHO, Somaaliya - Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynihii hore iyo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Taliyihii hore ee hay’adda Nabad-sugidda iyo sir-doonka Qaranka, ayaa wada dadaalladii ugu danbeeyay oo ay ku doonayaan in ay ku daboollaan kiiska Ikraan Tahliil Faarax, waxaana socda beegsigii ugu xoogganaa ee ka dhan ah saraakiisha hay’adda NISA.

Farmaajo iyo Fahad, oo ay gacantooda ku maqan tahay Ikraan, ayaa hore u khaariyiyay saraakiil iyo shaqsiyaad kale oo wax ka ogaa kiiska, si aan loo helin wax xog ah oo arrinkaas la xariira, waxayna 12 October 2021, shirqool khaarijin ah u dhigeen Saalax Cabdinuur, oo ah taliyha Ciidanka Duufaan oo ka tirsan NISA, sida uu sheegayo Gen Cabdladda Cabdallada.

Taliye ku xigeynkii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda, Gen Cabdladda Cabdallada, oo si weyn ugu dhuunduleela, dhaqdhaqaaqyada NISA, ayaa sheegay in Kooxda Farmaajo oo ku jirta laynta dadka marqaatiga ka ahaa kiiska Ikraan, ay Saalax Cabdinuur, u direen howlgal ciidan si bannaanka magaalada loogu dilo miino dhulka lagu aasay.

“Maalintii bishu ahayd 12 Oct, waxaa la fuliyay dilkii ugu khasaaraha badnaa ee NISA soo gaara , waxaa shirqool loo dhigay Taliyihii ciidanka Duufaan, waxaa howlgal looga diray Degmada Deyniile, kadibna waxaa waddada loo galiyay miinooyinka dhulka ah oo aad u xoogan”. Ayuu yiri Cabdalla.

Taliyahii NISA ee degmada Deyniile, Cabdishakuur Raage (Cabdi Yare) iyo 11 askari ayaa ku naf-waayay qorshihii la doonayay in lagu meytiyo Taliye Saalax, oo dhaawac daran uu soo gaaray, kaas oo hadda xaaladdiisa lagula tacaalayo Turkiga.

Gen Cabdladda, wuxuu xusay in dadaal badan oo la sameeyay lagu guuleystay, in Farmaajo iyo Fahad oo doonayay in ay Saalax Isbitaalka ku dhex dhameystiraan laga badbaadiyay, isla-markaana ay qoyskiisu ula cararaan Turkiga, welina ay si feejignaan ah u ilaalinayaan noloshiisa.

Gen Cabdladda, wuxuu kal-hore, dhallinyarada ugu baaqay in mid kasta oo haya xog xasaasi ah uu reebo, ka hor inta aysan qaadin seefta Fahad, uu ku doonayo inuu ku laayo dhamaan shaqaalaha sirta hayay ee loo adeegsan jiray dilalka, aasidda iyo wixii la xariira shirqoollada taban ee hay’adda.

“Fadlan walaal haddii aad jab xog ah hayso la wadaag qofka aad ku kalsoontahay, si haddii aad dhimato raadkaas u lumin, xogta dhibanayaasha aad ogtahay waa muhiim in aadan la dhiman!. Waajib ayaa naga wada saaran muwaadiniinta iyo dalkeena”. Ayuu yiri Cabdalla.

Ikraan Tahliil Faarax oo ka shaqeeneysay Hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, ayaa markii dad ugu dambeysay lagu arkay muuqaal ay duubtay CCTV iyadoo gurigeeda ka baxday 26-ka bishii June Sanadkan, iyadoo xili habeen ah abaare 8:00 pm gaari Toyota Hulux ah looga qaadey, kaasoo aaday dhaka Godka Jilicow.

Ikraan waxay NISA ku biirtay 2017, waxaana qoray Sanbaloolshe, iyadoo u qaabilsanayd amaanka Internet-ka hay'adda Sirdoonka Qaranka [Cybersecurity], waxaana lagu tirayaa Saraakisha fara-ku-tiriska ee ugu aqoonta badnaa NISA.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 December 2021 10:33

Tallabooyinkaan oo dhan waxa ay daaha ka qaadayaan in Mareykanku ka cagajiidayo xasillinta siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, isla-markaana uu baasiin xaaladda ku sii bilbilayay ku dhawaad shanti sano ee la soo dhaafay, si uu difaac ugu noqdo Fahad Yaasiin.