Fahad-ka eedeysan oo ku aqal galay Turkiga

Eedeysanaha ugu sarreeya hay’adda NISA, Fahad Yaasiin, ayaa tamashle u jooga xeebaha Turkiga, halka taas baddelkeeda, aysan hurdo ladin ku dhawaad Saddex biilood Maamo Qaali Guhaad oo hooyo u ah Ikraan Tahliil oo ku maqan gacanta Fahad.

Warar Keydmedia Online
Fahad-ka eedeysan oo ku aqal galay Turkiga

ANTALYA, Turkey – Sida ay Keydmedia Online u xaqiijiyeen ilo Sir-doon iyo saraakiil muhiim ah oo ka tirsan NISA, Taliyaha Nabad-sugidda iyo Sir-doonka Qaranka, Fahad Yaasiin, oo ku eedeysan af-duubka iyo dilka Ikraan Taliil, ayaa todobaadkaan ku aqal galay dalka Turkiga.

Sida ay KON ka soo xigatay xubno goob-joog ka ahaa xafladda meherka, eedeysane Fahad Yaasiin, ayaa todobaadkaan ku aqal galay Hotel weyn oo ku yaalla Ankara, wuxuuna hada ku suganyahay hotel u dhaw magaallo xeebeedka loo dalxiis tago oo Antalya dalka Turkiga.

Inkastoo warka ugu weyn Soomaaliya uu maalmahaan ahaa, kiiska Ikraan, oo la rumeysan yahay in Fahad geeri iyo nolol middey ahaataba uu meel ku ogyahay, hadana taas badelkeeda wuxuu tamashle, dalxiis, durbaan-tumid iyo todobo-gal aroos u joogaa xeebaha badweynta Mediterranean-ka.

Fahad, wuxuu la xididay Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Shiikh Bashiir Axmed Salaad, kaas oo lagu xasuusto inuu afartii sano ee la soo dhaafay si weyn u difaacayay Maamulkii Farmaajo, Ilo loo qaateen ah ayaana KON u sheegay in gabadha uu guursaday Fahad uu waalid u yahay Sheekh Bashiir.

Sheikh Bashiir, oo aan kiiska Ikraan ka hadlin tan iyo m arkii la af-duubtay, ayaa maalin ka hor soo fariistay muuqaal baahiyaha, wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay dhallinyaro Fahad Yaasiin ku beel ah oo lagu qafaashay Baladweyne, taas oo keentay in  shacabka Soomaaliyeed is weydiiyaan, sababta uu Sheekh Bashiir, uga hadli waayay af-duubka Ikraan, oo labo bil iyo bar maqan, isla-markaana uu saacado kadib af-duubka dhallinyarada Baladweyne ula hadlay warbaahinta?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa 48-saac u qabtay Fahad inuu xog rasmi ah ka keeno kiiska Ikraan, waxaana saacadaha soo socda la filayaa go’aan wax ku ool ah oo ka yimaada Xukuumadda.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.