Fahad Yaasiin muxuu ku maagay wariye C/laahi Kulmiye Caddow?

Wariyahan ayeey ciidanka NISA si sharci darro ah u xireen.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin muxuu ku maagay wariye C/laahi Kulmiye Caddow?

MUQDISHO, Soomaaliya - Waa su'aal ay inta badan is weydiinayaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, sababta uu taliyaha NISA Fahad Yaasiin uu ku maagay Wariye C/laahi Kulmiye Caddow oo maalintii Labaad u xiran NISA.

Fahad ayaa isaga markii uu ahaa wariye u shaqeynayey Aljazeera wuxuu wareystay hoggaanka ugu sarreeya Al-shabaab, sida Sheekh Cali Dheere iyo xubno kale, mana jirin cid xirtay.

Laakiin C/laahi Kulmiye Caddow oo wareystay Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo sheegaya inuu aaminsan yahay qeyb ka mid ah fekradd Al-shabaab ayaa xabsiga la dhigay, halka ganacsadahana lasii daayey.

Hadaba arrintu miyey tahay kaa xoog badani, iyo ku tagrifalka shaarka dowladeed.

NISA iyo guud ahaan hay'adaha ammaanka dowladda ayaa caburiye suxufiyiinta Soomaaliyeed, walibana u awood sheegta.

Xogo kale ayaa sheegaya in shir-qoolkan loo dhigay wariye C/laahi Kulmiye ay kaalin ka qaateen suxufiyiin ay isla shaqeyn jireen, walibana qaarkood ay si wanaagsan isku garanayaan.

Muqdisho ayaa ah meesha kaliya ee aanu sharci ka jirin, waxaana looga dhaqmaa awood iyo in la dulmo qofka miskiinka ah.

KEYMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.