Fahad Yaasiin oo boob ka wada Suuqa Bakaaraha

Ciidamo dharcad ah oo ka amar qaadata Taliyihii hore ee Sirdoonka Qaranka ahna iminka La taliyaha Farmaajo ee dhanka amniga ayaa todobaadyadan dhibaato xooggan ku haya ganacsatada Suuqa Bakaaraha, iyagoo halkaasi ka gaystay gaboodfallo kala duwan.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo boob ka wada Suuqa Bakaaraha

MUQDISHO, Soomaaliya - Ganacsatada ka shaqeysata Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayaa xilligan ka cabanaya handadaad culus oo ay si joogta ah ugu hayaan rag dharcad ah oo sida la sheegay ka tirsan Nabad Sugida, kuwaasoo bilo ka hor Suuqa loo geeyey in ay amaankiisa xaqiijiyaan.

Kooxdan dharcada ah oo badankooda ay da'doodu ka yar tahay 25 jiro, isla markaana ku hubeysan bistoolado, ayaa ah kuwa si gaar ah uga amar qaata Fahad Yasin oo lagu tilmaamo milkiilihii dowladii waqtigeedu dhamaaday, waxana uu soo xoojiyey maalmahan tirada ciidankaasi, si ay u abuuraan falal argagixin bulsho ah.

Raggan ayaa ganacsatada weydiisanaya lacag dhan 30 Dollar, taasoo aan la aqoon waxa ay ka micno tahay, maadaama ay bixiyaan lacagaha canshuurta dowlada hoose, iyadoo loogu caga jugleynayo in hadii ay diidmo la yimaadaan uu qal qal gali doono amnigooda iyo howlahooda ganacsi, taa oo ah arin aan sal ku lahayn dowladnimada ahna dhaqan mooryaanimo.

Sabtidii aynu ka soo gudubnay ayaa koox ganacsato ah oo amarka diiday la geeyey guri ku ag yaala Xarunta Nabad Sugida, kadib markuu sida la sheegay Fahad Yaasiin amray, waxana ganacsatada lagu cabsiiyey in la helay xog ah in ay Shabaab xiriir la leeyihiin, hadii ay doonayaan in ay iska bari yeelaana laga rabo lacag dhan kun Dollar oo saamaxeysa in dib loo eego eedeyntooda, waxana qaarkood ay bixiyeen bar ka mid ah lacagtaasi, halka kuwa kalana loogu baaqay in ay 15 casho ku bixiyaan lacagtaasi.

Khamiistii shalay ahayd ayaa sidoo kale qol ku yaala saldhiga Dagmada Howlwadaag la isugu geeyey ilaa 20  ruux oo ka mid ah ganacsatada qeybta Cabdalla Shideeye ee Suuqa Bakaaraha, kuwaasoo ka dhaga adeegay bixinta lacagta baadda ah ee dhan 30-ka Dollar, waxana la sii daayey gabal dhicii shalay, kadib markey badankooda dhiibeen lacagtaasi, iyadoo lagu wargaliyey in bil walba ay la diyaar noqdaan qarashaadkaasi.

Ganacsatada oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in tallaaboyinkasi guracan ay qasbayaan in ay is hubeeyaan, isla markaana ay iska dhiciyaan raggaasi sida sharci darrada doonaya in ay lacagtooda ku qaataan ee uu dabada ka riixayo Fahad Yasiin oo iminka ah eedeysane lala xariirinayo dilka gabar nabad sugida ka tirsanayd.

Fahad oo lagu xanto inuu gacan saar la leeyahay Al-Shabaab ayaanan la ogayn sababaha rasmiga ee ku xanbaaraya qorshahaan bahalnimada ah, waxaase dadka sida dhaw u yaqaana isaga, ay tibaaxayaan inuu doonaya inuu Suuqa ka abuuro falal ka hor imanaya amniga, isagoo fursad u arko kala jabka ka dhex taagan ciidamada Hay'adda Nabad Sugida oo ay kala xukumaan Bashiir Goobe iyo Yaasiin Fareey, isagoo ku takri falaya awoodda ciidanka uu heysto garabka Yaasiin oo ah nin daacad u ah Fahad, kana hoos shaqeynayey muddadii uu hoggaanka u ahaa Hay'adda Nabad Sugida.

Suuqa Baakaaraha ayaa ah midka ugu weyn Suuqyada Muqdisho, waxana ku ganacsada dad dhaqaale ahaan ku kala jira dabaqadaha kala duwan ee nolosha, waxana sii socoshada tallaabooyinkan ay horseedi karaan isku dhac dagaal oo ka dhex dhasha ganasatada iyo raggan dharcada ah, taasoo shaki galin karta nolol maalmeedka dadka xoogsatada ah ee ku tiirsan suuqaasi.

KEYDMEDIA INLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 December 2021 10:33

Tallabooyinkaan oo dhan waxa ay daaha ka qaadayaan in Mareykanku ka cagajiidayo xasillinta siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, isla-markaana uu baasiin xaaladda ku sii bilbilayay ku dhawaad shanti sano ee la soo dhaafay, si uu difaac ugu noqdo Fahad Yaasiin.