Fahad Yaasiin oo fidno iyo colaad falkinaya

Fahad Yaasiin ayaa dhawaan safarro qarsoodi ah ku tagey Itoobiya iyo Eritrea, isagoo ka keenay Asmara Ciidan Soomaali ah oo loo soo tababaray NISA.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo fidno iyo colaad falkinaya

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Nabad Sugida Soomaaliya Fahad Yaasiin ayaa maleegay qorsho militeri oo ka dhan ah Mucaaradka, wuxuuna kasoo horjeedaa in xal nabadeed laga gaaro is-mariwaagga ka taagan Muqdisho.

Khilaafka siyaasadeed ayaa kala qeybiyay Madaxda dowladda iyo Maamul Goboleedyada, waxaana isku dhinac noqday hadda Rooble, Guudlaawe iyo Qoor-Qoor oo kasoo horjeestay muddo-kordhinta Farmaajo.

Macluumaadka KON heshaya waxay sheegeen in Qoor-Qoor markii hore uu ku fekerka ahaa Fahad Yaasiin, Wasiir Jamaal, la-taliyaha Farmaajo Cabdi Saciid iyo Cabdi Shakuur Mire oo diidanaa in wadahadal lala galo mucaaradka.

Qoor-Qoor ayaa kadib cadaadis uu kala kulmay beeshiisa Habargidir bedelay mowqifkiisa, isagoo ku biiray dhinac kasoo jorjeeday Muddo-kordhinta Farmaajo, wuxuuna lamid noqday Guudlaawe oo isna Beeshiisa Abgaal cadaadisay, iyagoo labada hogaamiye soo saareen qoraal wadajir ah oo ay ku sheegeen inay diyaar u yihiin wadahadalka in dib loogu laabto, islamarkaana la qabto doorasho saldhig u ah heshiiskii Sep 17.

Fahad Yaasiin ayaa aad uga carooday dhabar-jebinta ay labadan hogaamiye ay ku sameeyeen, kuwaasoo uu dhaqaale badan ku bixiyay doorashadooda.

Fahad wuxuu safar deg-deg ah ku tagey Itoobiya iyo Eritrea kadib markii Mucaaradka ay qabsadeen qeybo kamid ah Caasimadda, waxaana wararka KON helayso ay sheegayaan inuu Ciidamo badan iyo hub uu kasoo dejiyay Garoonka Muqdisho.

Muqdisho wali xaaladeeda dhinac uma dhicin, waxay shacabka farta ku hayaan wadnaha, iyagoo ka cabsi qaba inuu Farmaajo marka uu hortago Gollaha Shacabka sameeyo ficil kale oo sharci darro ah oo keeni kara inuu dagaal dhaco.

Waxyaabaha aadka looga baqayo ayaa ah inuu Farmaajo xilka ka qaado Rooble, kadibna uu dagaal ka qarxo Caasimadda oo hadda ay isku horfadhiyaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Mucaaradka oo ka taliya Hodon, Howlwadaag, Kaaraan iyo C/casiis.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.