Fahad Yaasiin oo waxba kama jiraan ka dhigay go’aanka Rooble

Shan maalin kahor ayuu Rooble xilka qaadis ku sameeyay Saraakiishan katirsanaa NISA.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yaasiin oo waxba kama jiraan ka dhigay go’aanka Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahad Yaasiin ayaa si rasmi ah u shaaciyay magacaabis uu sameeyay shalay, isagoo waxba kama jiraan ka dhigay go'aan kasoo baxay Rooble Jimcihii oo xilalka looga qaadey Saraakiisha NISA katirsan oo xad-gudubyo sameeyay.

Keydmedia Online ayaa xalay soo qortay [Halkan ka akhri] in Kulane Jiis loo magacaabey xil-sare kadib markii laga qaadey jagadii hore ee ahayd madaxa Shaqaalaha NISA, waxaana hadda Fahad kusoo saarey magacaabistiisa digreeto.

Taliyaha NISA ayaa Kulane Jiis ka dhigay kaaliyaha dhanka siyaasadda iyo Amniga NISA halka C/wahab Sheekh Cali oo ahaa madaxa NISA ee Garoonka diyaaradaha hadda noqonaya agaasimaha qorsheynta iyo tiknoolojiyadda hay'adda Sirdoonka.

Cabaas Yacquub wuxuu bedelay Kulane Jiis, isagoo loo magacaabey agaasimaha Shaqalaaha, waxaana la sheegay in ninkan loo diyaarinayo inuu bedelo Fahad oo ku-sime noqday marka uu raadsado kursiga Gollaha Shacabka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.