Fahad Yasin oo wareejiyey shaqadii la-talinta Amniga Qaranka

Fahad Yasin ayaan ku sheegin qoraalka sababta ku kalifta inuu shaqadan ku wareejiyo ninkii horey u hayay Cabdi Saciid Muuse Cali oo hadda laga dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Warar Keydmedia Online
Fahad Yasin oo wareejiyey shaqadii la-talinta Amniga Qaranka

MUQDISHO, Soomaaliya - Warqad ku taariikhaysan Dec 2 ayaa wareegaysa baraha bulshadda, taasoo uu ku saabsan xil wareejin uu sameeyay Fahad Yasin, gacanta midig ee Farmajo.

Qoraalka oo English ku qoran ayaa nuqul kamid ah heshay Keydmedia, waxaana uu Fahad ku sheegayaa inuu howshii la-talinta amniga qaranka uu u dhiibey Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Cabdi Saciid Muuse Cali, oo dhawaan xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Rooble u magacaabey ayaa qabanaya howshii Fahad loo igmadey ee amniga, oo muuqata inuu ku fashilmay shaqadan, oo qibradeeda lahayn, maadaam wariye ahaan jiray.

Fahad ayaa xusay in Cabdi Saciid uu fagaaraha caalamka geynayo arintan amiga Soomaaliya, maadaama uu yahay wasiir arrimo dibadeed, isna u dejinaya siyaasadda uu ku shaqeynayo, taasoo muujinaysa inuu is qarinayo, oo uusan rabin inuu is muujiyo, waana dhaqan lagu yaqaaney shanti sano ee Farmaajo Villa Somalia joogey.

Todobaadkii tagey, Cabdi Saciid ayaa shir gudoomiyay kulan ka dhacay Xalane oo looga hadlayay sidii AMISOM amniga dalka ugu wareejin lahaayeen Ciidanka dolwadda Soomaaliya.

Keydmedia si madax-banaan uma xaqiijin karto sugnaanta warqaddan, oo wareegaysa baraha bulshadda, balse waxay isku dayaysaa inay xaqiijin ama beenin ka hesho xafiisyada ay khuseyso ee dowladda, oo xiriiro la sameysay.

Ninkan ayaa isku qariysa sidii Axmed Godane, waana shaqsiga ka dambeeyay dembiyadii dalka ka dhacayay mudadii Farmaajo xukunka haystay, waxaana kamid ah dilkii Ikraan Tahliil iyo kumanaanka dhalinyaro ee loo qaadey Eritrea, kadibna la geliyay dagaalka Itoobiya, oo lagu laayay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.