Fahfaahin: Dhowr Qarax oo lagu weeraray Muqdisho

Goobjooge la hadlay KON ayaa sheegay in magaaladda Caawa hal mar laga maqlay dhowr qarax, oo isku mar dhacay kuwaasoo lala bartilmaameedsaday Saldhigyada Booliska degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Dhowr Qarax oo lagu weeraray Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Degmooyinka Waaberi, Boondheeri, Xamar-Jajab iyo Yaaqshiid waxaa caawa ka dhacay qaraxyo kala duwan, oo lagu weeraray saldhiyada Booliska iyo fariisimo Ciidan.

Jugta qaraxyada waxaa laga maqlay meelo fog oo magaaladda katirsan, waxaana la sheegay inay ahaayeen weerar qorsheysan oo isku mar la fuliyay kaasoo lagu qal-qal gelinaya nabadgelyada Caasimadda.

Sarkaal Booliska katirsan iyo Goobjooge, ayaa KON u sheegay inay jiraan dhaawacyo dad shacab ah kasoo gaarey qaraxyada loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro, kuwaasoo la dhigay Isbitaallada.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, iyadoo dhanka dowladda aysan ka hadlin falkan oo noqonaya midkii labaada oo tan iyo xalay Muqdisho ka dhacaya.

Waxaa xalay ka dhacay Muqdisho qarax lala eegtay Gaari nooca raaxadda oo marayay jidka mashquulka badan ee 21 October, waxaana ka dhashay khasaaro. [Halka ka akhri warka]

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.