Khasaaraha ka dhashay weerarkii Janaay Cabdalla

Taliska Mareykanka ee Africa ayaa shaaciyay in hal askari uu uga dhaawacmay weerarkii Is-miidaaminta ahaa ee Maanta ka dhacay degaanka Janaay Cabdalla, ee duleedka Kismaayo.

Warar Keydmedia Online
Khasaaraha ka dhashay weerarkii Janaay Cabdalla

KISMAAYO, Soomaaliya - Afhayeenka Taliska Ciidanka Mareykanka ee Africa Col. Chris Karns ayaa xaqiijiyay in hal askari oo Amerikaan ah uu ku dhaawacmay weerar culus oo Al-Shabaab maata ku qaadey saldhig ay ku leeyihiin duleedka Kismaayo.

Qarax loo adeegsaday gaari ayaa lagu dhuftay irida laga galo saldhigga, waxaana xigay dagaalyahanno weerar toos ah ku qaadey xerada oo xiligaas ay ku sugnaayeen Ciidamo isagu jira Soomaaliya iyo Mareykanka oo maalmo okahor halkaasi kala wareegay Al-Shabaab.

Col. Chris Karns  ayaa xusay in dhaawaca askariga uu yahay mid fudud, islamarkaana xaaaladiisa caafimaad ay xasiloon tahay. Wuxuu intaasi ku daray in hal dagaalyahan oo Al-Shabaab katirsan ay ku dileen dagaalkii dhacay.

Degaanka Janaay Cabdalla, oo 60-KM galbeed uga beegan Kismaayo wuxuu ahaan jiray goob muhiim u ah Al-Shabaab oo dhaqaalo badan kasoo galay jiray, iyadoo ku lahayd baro koontarool oo gaadiidka canshuur uga qaadi jirtay.

Sarkaal katirsan Maamulka Axmed Madoobe ayaa sheegay in labo askari oo DANAB kamid ahaa ay ku dhinteen weerarka, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, iyadoo laga cabsi qabo in khasaaraha uu intaasi ka bato.

Dhanka kale, Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku dishay 16 askari oo Mareykanka u dhashay, sidoo kalena ay ku dhaawacday 12 kale.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.