Fahfaahin: Khasaaraha Qarax ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan 5 qof ayaa ku geeriyootay rasaas ay fureen Ciidamada AMISOM kadib markii lala eegtay Qarax miino xili ay kusii jeedeen xerada Maslaxa.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Khasaaraha Qarax ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Saraakiisha amniga ayaa fahfaahin ka bixiyay weerar qaraxa miino loo adeegsaday oo Ciidamada AMISOM lagula eegtay waqooyiga magaaladda Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa midka meelaha fog laga hago ayaa ka dhacay wadada u dhaxeysa Xaafada Jamhuuriya iyo Isgoyska Fagax, wuxuuna haleeyay gaadiidka ay wateen Ciidanka Burundi ee qeybta ka ah AMISOM.

Ciidanka AMISOM rasaas ay ku fureen dadkii goobta ka agdhowaa, ayaa waxaa ku dhintay 5 qof oo shacab ah, iyadoo ku dhawaad 10 kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo loola cararay Isbitaaladda si loogu daaweeyo.

Gaari kamid ahaa Kolonyada ayaa ku gubtay qaraxa, waxaana la sheegay inay jiraan khasaarooyinka gaarey askartaa la socotay, inkastoo aysan AMSIOM wali ka hadlay weerarka, haddana dadka degaanka ayaa xaqiijiyay khasaaraha.

Waxay Ciidanka kusii jeedeen xerada Maslaxa ee degmada Heliwaa xiliga qaraxa. Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka, balse Kooxda Al-Shabaab ayaa loo maleynayaa oo looga bartay falalka noocan ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 August 2021 11:58

Waxaa la rumeysan yahay in Jibriil Saciid Cali Xuseen, ay gacantiisa ku maqan yihiin dad kale oo ajaaniib ah, kuwaas oo badankood la khaarijiyay kadib markii la isku fahmi waayay lacagihii ay Al-Shabaab u codsadeen madax-furashada.