Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Ciidamada ayaa si aan kala sooc lahayn ugu furay rasaas dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta lagu qarxiyay Kolonyada AMISOM.
MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax saakay ka dhacay Muqdisho, oo Kolonyo AMISOM lagu eegtay wadada u dhaxeysa Isgoyska Fagax & xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan ayaa waxaa ku dhaawacmay 4 qof.
Booliska dowladda Federaalka, ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay ahaayeen aabe, xaaskiisa, gabar ay dhaleen iyo nin ku jiray goob farmashi ah, waxaana la dhigay Isbitaal ku yaalla Muqdisho.
Ciidamada DF oo goobta tagey ayaa la sheegay iyaguna inay rasaasta qeyb ka rideen, waxaana socda baaritaan ku saabsan khasaaraha shacabka, sida booliska afhayeen u hadlay uu u sheegay Warbaahinta.
Inta badan AMISOM marka qaraxyo lagula eegta wadooyinka waxay toogtaan dadka ku sugan goob kasta oo lagu weeraro, sidaasi waxaa KON u sheegay goobjoogaha.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments