Fahfaahin: Qarax Ciidanka Puntland lagula eegtay Gaalkacyo

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, balse wuxuu imaanaya maalmo kadib markii Ciidanka amniga ay magaaladda ku qabteen shabakad qaraxyada iyo dilalka fulin jirtay.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Qarax Ciidanka Puntland lagula eegtay Gaalkacyo

GAALKACYO, Soomaaliya - Hal ruux oo shacab ahaa ayaa ku dhintay, labo askari oo katirsan Ciidanka Puntland ayaa ku dhaawacmey qarax caawa ka dhacay waqooyiga magaaladda Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxay qaraxa nooca uu ahaa, iyadoo Saraakiisha amaanka Puntland wali aan ka hadlay sida ay wax u dhaceen. Dadka goobjooga ahaa ayaa sheegay in bam gacmeed lagu tuurey hotel ku yaalla magaaladda.

Sidoo kale, waxay sheegeen in bamka lagu tuurey Ciidan ku jiray howlgal roondo ah, oo amniga lagu sugayay. Rasaas la furay ayuu ku geeriyoodey qofka shacabka ah, sida ay KON u xaqiijiyeen goobjoogiyaasha.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, balse wuxuu imaanaya maalmo kadib markii Ciidanka ay magaaladda ku qabteen Shabakad qaraxyada iyo dilalka fulin jirtay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 1 December 2020 7:57

Tan iyo 2012 markii Malleeshiyaadkii Raas Kambooni ee uu watay Axmed Madoobe, oo kaashanayay Ciidamada Kenya ay la wareegeen magaaladda, waxaa la dilay dad badan oo qaab qabiil lagu khaarijiyay.