Fahfaahin: Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Qofks is-qarxiyay ayaa la sheegay inuu la damacsanaa qaraxa xarunta Jeneraal Kaahiye ee lagu tababaro booliska, balse u suurta-gali waysay.

Warar Keydmedia Online
Fahfaahin: Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyootay, qaar kalena way ku dhaawacmeen qarax is-miidaamin ahaa oo maanta duhurkii ka dhacay magaaladda Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Goobjooge la hadlay KON ayaa sheegay in qaraxa uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaasoo beegsadey goob maqaaxi ah, oo xiligaasi dad badan ka qadeynayeen, oo ay ku jiraan askar boolis ah.

Qaraxa wuxuu ahaa mid xoog badan, oo dhawaqiisa qeybo badan oo kamid ah magaaladda laga maqlay, iyadoo laga cabsi qabo inuu khasaaraha ka bato labo dhimasho ah, maadaama wali booliska bixin macluumaadka la xiriira weerarka.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxa, oo noqonaya midkii ugu dambeeyay silsilado qaraxyo ah oo ka dhacaya Muqdisho mudooyinkii dambe xili doorashadda ay soo dhawdahaya, islamarkaana uu jiro habac-sanaan dhanka amniga.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.