Famaajo oo saxiixay Miisaaniyadda 2021

Madaxweyne Farmaajo ayaa saxiixay Miisaaniyadda sanadka 2021 kaasoo ay ansixiyeen Golaha Xukuumadda ayna meel mariyeen Xildhibaanada Baarlamanka waqtigiisu dhammaaday ee Golaha Shacabka BJFS

Warar Keydmedia Online
Famaajo oo saxiixay Miisaaniyadda 2021

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Farmaajo ayaa saxiixay miisaaniyadda sanadka 2021 taasoo ay horay u ansixiyeen golaha Xukuumadda Soomaaliya sidoo kalena ay meel mariyeen maalin kaddib markii uu dhammaaday muddo xileedkii Golaha Shacabka BJFS ee afartii sano ee loo doortay in ay dalka hagaan.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka oo uu ku ammaanay in ay si xilkasnimo leh u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa Miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyey, iyaga oo ku ansixiyey cod aqlabiyad leh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda DF iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad ka turjumeysa baahida ay qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida. Iyadoo ay xusid mudan tahay in afartii sano ee uu Farmaajo hayay talada dalka aan la shaqaaleysiin dhallinyarada kasoo qalin jabisay Jaamacadaha ee weli shaqo-la'aanta ku ah caasimadda Soomaaliya, sidoo kale waxaa laga gaabiyay adeegyada bulshada, mana jirto xarumo caafimaad oo dabooli kara baahida dadka dan yarta ah ee ku tabaaleysan magaalada muqdisho iyo gobollada dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.