Fanaanada Fadumo Qasim Hilowle oo Maantay ku Geeriyootay London

London (Keydmedia) - Fanaanada ay dadka Soomaaliyeed u yaqaanaan Faynusti Fanka Faadumo Qasim Hilowle ayaa maanta ku geeriyootay Magaalada London ee xarunta dalka Britiain.
Warar Keydmedia Online
Fanaanada Fadumo Qasim Hilowle oo Maantay ku Geeriyootay London

Fanaanada ayaa u dhimatay xanuun ay baryahan la jiiftay sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelkooda oo la hadlay warbaahinta.

Fanaaniinta hobolada Waaberi ee ku sugan Muqdisho ayaa maanta kulan tacsi ay oo ay isugu yimaadeen waxay ku xuseen Fanaanada iyada oo ugu duceeyey in janadi Fardows uu ka waraabiyo ALLE.

Abwaanka caanka ah Axmadeey Cabdi Gaashaan ayaa sheegay in fanaanada ay aad uga qeyb qaadatay nooleynta fanka Soonaaliyeed, isaga shaqsi ahaana ay uga heystay afar ruwaayad oo uu allifay.

"Faadumo waxya iiga qeybgashay afar ruwaayad oo aan aniga sameeyey, waxaa ka mid ahaa ruwaayadi iigu horeysay oo ay ka heystay," ayuu yiri Laashin Axmadeey Cabdi Gaashaan.

Abwaan Maki Xaaji Banaadir ayaa isna sheegay in Fadumo Qasim Hilowle ay aheyd qof aad ugu ad adkeyd hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed isla markaana gabdhaha uga digi jirtay marka ay masraxa soo korayaan in ay is qaawiyaan.

Abwaanka caanka ah Cabdi Dhuuf Yuusuf ayaa isna tacsi u diray qosyka ay ka baxday Fadumo Qasim isaga oo yiri: Faadumo hadii ay naga tagtay waxay noo reebtay dhaxal waayo waxaa idaacadaha yaala heesaheeda, sidoo kale waxay dhahay ubad hadaba qaar fanaaniin ah qaarna muusikistayaal ah," ayuu yiri Cabdi Dhuux.

 Faadumo Qaasim ayaa door weyn kasoo ciyaartay masraxa iyo fanka Soomaaliyeed, waxaana lagu xasuustaa heesaha kala duwan sida jaceylka, wadaniga iyo heesaha talan taaliga ee ay raga la qaadi jirtay.

Waxa ay si gaar ah caan ugu aheyd heesaha banaadiriga ama xamariga qofba sida uu u yaqaano oo ay ka aheyd fanaanada koowaad, iyadoo marka laga hadalayo dhanka raga ay inta badan lasoo qaaday heesaha fanaaniinta kala ah Axmed Naaji Sacad iyo Aweys Qamis Cabdalla Mabuuse.

Taageerayaal badan ayey ku laheyd masraxa Soomaaliyeed, waxaana heesaheeda kuwi ugu macaanaa laga xasuustaa, Ideey Igaar yahoow, Xabiibi, Ceelka Soo Jiid, Dalkeygoow, iyo heeso kale oo fara badan.