Burbur ku socda Fanka Soomaaliyed

Waxaa laga deyrinayaa heerka uu marayo fanka Soomaaliyeed, kaasoo iminka uu la soo darsay bur bur dhan walba ah, isla markaana u baahan cid isu-taagta badbaadintiisa.

Warar Keydmedia Online
Burbur ku socda Fanka Soomaaliyed

MUQDISHO, Soomaaliya - Suugaanta Soomaalida ayaa kaalin dahabi ah kaga jirtay dhaqanka iyo Afka Soomaaliyeed, waxanna muddo aad u dheer uu ka mid ahaa waxyaabaha ay bulshada Soomaalidu ku faanto, kuna soo bandhigto masraxyada caalamiga ah.

Hayeeshee, fanka iminka la jaan-qaadaya tiknoolajiyada casriga ah, ayaa hoos u dhigay qiimihii uu lahaa fanka Soomaalida, waxanna nuxur beelay miraha heesaha ay dhalinyaradu ku luuqeynayaan.

Waxaa sidoo kale jirin fanaaniin leh tayada ah, in ay si toos ah ugu luuqeeyaan heesaha ay soo bandhigayaan, waxanna kaalmaha suugaanta ee ay bulshada la wadaagayaan ay yihiin kuwa horey loo duubay, taasoo ah arrin aan looga baran fanaaniintii hore ee soomaalida.

Marka laga yimaada nuxurka erayada iyo tayada heesaaga, waxaa dhanka kale jira heeso anshaxa ka baxsan oo badankood loo dhiibo hablaha fanaaniinta ah, iyadoo heesahaasi ay ku laran yihiin muuqaalo muujinaya jirka gabadha fanaanada ah, taasoo noqotay ceeb la dagtay fanka jiilka danbe ee Soomaalida

Waxaa iyaduna mid soo biirtay ahaatay heesaha loo yaqaano Raabka, oo ku cusub fanka soomaalida, waxanna erayada heesahan oo aan wax murti ah lahayn, ay u badan yihiin hadalka caadiga ah oo music la saaray, waana mid sahashay in caruurtu ay durba xifdiyaan heesahaasi oo ay ka buuxaan hadalo aan dhaqanka ku habooneyn.

Gabayga oo ah horyaalka maansada soomaalida, ayaa isaguna ka mid ah suugaanta ku dhaw in ay lunto, waxanna yar hal-abuurada curinaya noocyada gabayada, iyadoo dhanka kalana ay badanayaan kuwa qaadanaya magaca Abwaan, ee aan ehelka u ahayn fan iyi Afka Soomaaliga.

Dadka ku xeel-dheer Afka Soomaaliga ayaa sheegaya in arintan ay dhaawaceyso qiimaha luuqada hooyo, waxanna dowladda Soomaaliya ay ka codsadeen in ay magacawdo guddi qubaro ah, oo badbaadiya Suugaanta Soomaaliyeed, kuwaasoo faaf reeb ku sameeya, waxyaabaha ay dhalinyaradu bulshada la wadaagayaan. 

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 8 December 2021 17:43

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa qaaday tallaabo ay ku burburinayaan dhaqaalaha Muqdisho, waxaana magaalada la soo galiyay malaayiin doolar oo been abuur ah, halka mashiinno iyo daawooyin lagu nadiifinayo lacago sharci darro ah.