Fariin culus oo loo diray Farmaajo kadib xil ka-qaadistii Kulane Jiis

Musharixiinta waxay sheegeen in dalka xaaladda hadda uu ku jiro ay tahay mid xasaasi ah, islamarkaana aan loo baahnayn faragelin in lagu sameeyo doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online
Fariin culus oo loo diray Farmaajo kadib xil ka-qaadistii Kulane Jiis

MUQDISHO, Soomaaliya - Midowga Musharixiinta ayaa soo dhaweeyay go'aankii RW Rooble uu xilka uga qaadey Kulane Jiis iyo Madaxii NISA ee Garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho maalintii shalay.

Qoraal ay soo saareen Musharixiinta ayaa lagu sheegay in xilka qaadista ay ahayd mid xiligeeda ku timid, oo loo baahnaa maadama Kulane Jiis uu jebiyay xaqa dastuuriga ah ee xoriyadda safarka iyo dhaq-dhaqaaqa muwaadinka.

Dhanka kale, waxaa qoraalka fariin culus loogu diray Madaxweynaha mudo-xileedkiisu dhamaadey Farmaajo oo ay ugu baaqeen inuu ka waantoobo ku-tumashadda dastuurka iyo faragelinta geedi socodka doorashooyinka dalka, oo Rooble mas'uulka ka yahay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.