Fariinta Odawaa ee Farmaajo ku socoto

Xildhibaan Odawaa ayaa Farmaajo ugu baaqay in uu Gollaha Shacabka la yimaado aragti lagu bad baadi karo dalka oo ah waddadii loo mari lahaa doorashada. 

Warar Keydmedia Online
Fariinta Odawaa ee Farmaajo ku socoto

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Cabiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa ka hadlay khudbadda uu maanta madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka hor jeedin doono Gollaha Shacabka, isagoona fariin la wadaagay.

Odawaa ayaa sheegay in Farmaajo garowsanyahay xaaladda adag ee dalku ku suganyahay, islamarkaana laga rabo in la yimaado wax dadka lagu bad-baadi karo oo ah waddadii loo mari lahaa doorasho wada ogol laga yahay, oo lagu qanacsanyahay.

"Waxaan rajeyneynaa in Madaxweyne Farmajo uu garowsan yahay xaalladda adag ee uu dalku ku sugan yahay, berina uu xildhibaanadda la hor iman doono wax dalka lagu badbaadinayo oo ah jidkii loo mari lahaa doorasho laga wada raalli yahay." ayuu yiri xildhibaan Odawaa.

"Jidka kaliya ee u furan Madaxweynaha waa in Dhuusamreeb 3 loo wada guntadaa sidii la isugu wada tagi lahaa ugana soo bixi lahaayeen qaab doorasho oo la isla ogolyahay." ayuu ku sii daray Cabdiraxmaan Odawaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay.

Khudbadda Farmaajo ee Gollaha Shacabka ayaa aad loo wada sugaa.

KEYDMEDIA ONLINE 

    Commenting is not available in this channel entry.