Fariinta Shacabka: RW xil ka xayuubinta la xisaabtan ku dar

Kadib xil ka raacdeyntii Kullane Jiis, dadka indhaha u ah bulshada Soomaaliyeed ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ka codsanaya in la maxakamadeeyo, lagana jaaseeyo danbiyadii uu dalka ka galay intii uu xaafiiska qarsoon joogay.

Warar Keydmedia Online
Fariinta Shacabka: RW xil ka xayuubinta la xisaabtan ku dar

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa isa soo taraya bulshada Soomaaliyeed ee codsaneysa in Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, uusan kaliya xil ka xayoobin uga simin Agaasimihii Shaqaalaha Hay’adda NISA, Cabdullaahi Aadan Kullane (Jiis) iyo taliyihii Nabad Sugidda ee groonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali.

Dhamaan waxgaradka Soomaaliyeed, ayaa si isku mid ah u taageeray go’aanka uu Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta, ka qaatay qeyb ka mid ah kooxda ku hor gudban hirgalinta doorashooyinka iyo guud ahaan hana-qaadka dowladnimada, waxayse ku baaqayaan in lala xisaabtamo laga jaaseeyo jarriimooyinki ay hore u galeen.

Kullane jiis, wuxuu ka mid yahay afar ruux oo dandarrada dalka ka shaqeynayay afartii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna ku eedeysan yahay, danbiyo waaweyn oo ay ka mid yihiin dilal uu maleegay, amarro ku tagri-fal awoodeed ah oo uu bixiyay iyo colaado uu huriyay.

“Qorshaha khaarijinta Ikraan Tahliil waxa soo maleegay Fahad Yaasiin iyo Kulane Jiis, fulintiisana waxaa u xilsaarnaa Yaasiin Farey!_Farmaajo iyo Fahad Yaasiin (Abeesada Soomaaliya) waxay ka takhalusaan dad badan oo wada shaqeyn la leh iyaga si aysan u fadeexeen”. Ayay tiri Sumaya oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed.

Xuseen Muuse Maxamed, ayaa isna yiri, “Farmaajo iyo Kulane Jiis waa laba qof oo aanan ii kala sokaynin waliba danbiilayaal ah mudana sharciga in la horkeeno”

Qoryoolay, ayaa isna yiri, “Kulane Jiis haddii xabsi uu wajaho, Rooble wuxuu qabanayaa doorasho xasilloon, duhadii kale wuxu dhib iyo qalalaaso gelinayaa Gedo, dalka kama bixii karo madama danbiyo badan loo haysto”.

Sidoo kale, Taliyihii Nabad Sugidda ee groonka Aadan Cadde, Cabdiwahaab Sheekh Cali, waxaa loo heystaaa eedo la xariira socdaallo uu sifo sharci darro ah ku hor istaagay, iyo falal kale, sida dhacdadii caanka ahayd ee ka dhacday garoonka diyaaradaha 22 April 2021, markaas koox ka tirsan NISA ay si arxan darro ah u jir dileen, shaqaale ka tirsan waaxda hay’adda socdaalka.

Dadka codsaneysa in la maxakamadeedyo eedeysanayaashan, aya ku doodaya in la joogo xilligii wax la iska weydiin lahaa, danbiyadii dalka ka dhacay Afartii sano ee la soo dhaafay, isla-markaana ay hakin karto qorshayaal cusub oo dalka iyo doorashooyinka lagu lug-goonayo oo ay soo abaabulaan kooxda ay Fahad iyo Farmaajo hoggaamiyaan.

KEYDMEDIA ONLINE   

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 18:56

Khabiir amni ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la furo baariska dilkii Injineer Yariisow, si xal loogu helo, xaaladda cakiran ee la xariirta baarista kiiska Ikraan Tahliil Faarax, iyo saraakisha kale ee NISA.