“Farmaajo doorasho in uu qabto ma rabo ee been yaan la isku sheegin”

Farmaajo ayaa macaansaday kursiga, wuxuuna doonayaa in doorasho kaligiis ah ay dhacdo.

Warar Keydmedia Online
“Farmaajo doorasho in uu qabto ma rabo ee been yaan la isku sheegin”

Aqoonyahanno Soomaaliyeed ayaa sheegaya in Madxweyne Farmaajo uusan dooneyn in dalka ay ka dhacdo doorasho, taas bedalkeedana uu rabo in uu awood ku joogo Villa Somalia.

Aqoonyahan C/raxmaan Nuur Sheekh Cali, ayaa sheegay in sida ay hadda wax u socdaan aysan ahayn sifo doorasho, balse ay u muuqato muddo kororsi aan sharci ahayn.

"Kolley xaaladda uu wadanka ku jiro waad la socotaan, waadna aragtaan in madaxa la iskula jiro, Farmaao doorasho in uu qabto ma rabo ee been yaan la isku sheegin"

Dhinaca kale, aqoonyahankan ayaa ugu baaqay dhinacyada shirka uga qeybgalaya Garoowe in aysan Muqdisho imaan iyaga oo aan go'aan mid ah kasoo qaadan arrimaha doorashooyinka.

"Kolley in dalka fowdo ka dhacdo lama huri doono, laakiinse waxaan ku talin lahaa in siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada ku sugan Garoowe ay soo tashadaan, si ninkaan jeclaaday kursiga ay meesha uga saaraan"

Farmaajo ayaa doonaya in mar kale uu kusoo laabto Villa Somalia, waliba isaga oo raba in doorashada uu boobo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.