Farmaajo: Heshiiskii September oo “wax shuruud ah lagu xiraynin”

Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad uu jeediyay sheegay in shishiiye uu ka dambeeyo qalqalka siyaasaddeed ee dalka. 

Warar Keydmedia Online

MUQDISHO - Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaadey ayaa mucaaradka ku eedeeyay mas'uuliyadda dagaaladdii todobaadkaan, wuxuuna sheegay in ay la shaqeynayaan dalal shisheeye si dalka 'burbur dib loogu celiyo'. 

Farmaajo ayaa wuxuu ku baaqay in dib loogu laabto heshiiskii 17da September ayadoo "wax shuruud ah lagu xiraynin", waa sida uu yiri, wuxuuna sheegay in uu hortagayo Golaha Shacabka maalinta Sabtida. 

Khudbadaan oo ahayd mid hore loo soo duubay ayaa waxaa laga shaaciyay telefishinka Qaranka ku dhawaad 1:15am oo subaxnimo xiiliga Soomaaliya, wuxuuna Farmaajo hadlayay ku 8 daqiiqo. 

Kadib markii Ciidamo taabacsan ay shalay illaa Xalay ay la wareegeen Xaafado muhiim ah oo ku dhaw Madaxtooyadda, Farmaajo ayaa soo wajahday xaalad casbi leh.

Wixii Faah-faahin ah kala soco Keydmedia Online subaxii hadii alle idmo. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].