Farmaajo oo 4 shardi ku xiray Heshiiska RW Rooble

Waxaa socday maalmahan waan-waan iyo dhex-dhexaadin ay sameynayeen Qoor-Qoor iyo Mursal, oo ay ku doonayaan inay ku xaliyaan Khilaafka labada Mas'uul.

News Keydmedia Online
Farmaajo oo 4 shardi ku xiray Heshiiska RW Rooble

MUQDISHO, Soomaaliya - Keymedia ayaa xog ka heshay waan-waanta iyo dhex-dhexaadinta laga dhex wado Farmaajo iyo Rooble, oo hormuud u yihiin Mursal iyo Qoor-Qoor.

Qodobo adag ayay labada dhinac miiska soo saareen, gaar ahaan Farmaajo oo isaga khilaafka kasoo billowday, iyadoo Fahad Yaasiin Muqdisho imaanshihiisa arinta sii cuslaysay.

Farmaajo ayaa afar shardi ku xiray wadahadalka iyo heshiiska Rooble kuwaasoo kala ah:

1 - Inuu xiro kiiska Ikraan Tahliil, oo ah xudunta khilaafka

2 - In qoysa Ikraan Tahliil lacag diyo ah qaato

3 -  In Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur loo wareejiyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha

4 - In Rooble uu joojiyo xiriirka Mushariinta Mucaaradka iyo Heshiiska Kenya

Waxay shuruudahan adkaysay dhex-dhexaadinta, iyadoo hadda Rooble hortaallo labo arin inuu mid doorto, oo ah inuu la heshiiyo Farmaajo oo meel iska dhigo Kiiska Ikraan iyo inuu ku adkaysto go'aankiisa hore, ee ah in cadaalad hesho gabadhan ay dileen Madaxda NISA.

Farmaajo ayaa maalmo kahor sheegay inuu shaqado ka joojiyo iyo awoodaha xilka qaadista ama magacaabista, kadib markii uu sii xumaadey loolanka dhanka awoodda labada dhinac.

Farmaajo ayaa khilaafka taagan kasoo billowday, isaga ayaana caqabad ku noqday baaritaanka Kiiska Ikraan iyo inuu difaacayo dembiiliyaasha falkan ka damabeeyay, oo gadaal marsaday.

Wuxuu eedeysanaha ugu weyn kiiskan Fahad Yaasiin uu ka dhigay la-taliyihiisa amniga qaranka, taasoo ka dhigan inuu ku dalacsiiyay dembiiyadiisa oo shacabka ka galay.

Rooble ayaa haysta taageero dhinaca musharixiinta mucaaradka, oo ku taageeray go'aankiisa cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil iyo sii wadista hananaka doorashooyinka dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

    There are no comments for this entry yet.

Commenting is not available in this channel entry.