Farmaajo oo ay soo wajahday cabsi amni

Madaxweynaha dowld Federaalka Soomaaliya, Maxamed C/laahi Farmaajo waxaa markaan soo wajahay cabsi amni, isaga oo shaqsi ahaan u baqaya in loo beegsado.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo ay soo wajahday cabsi amni

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ayaa joojiyay dhamman kulamada iyo xafladaha uu kaga qeybgali jiray banaana Villa Somalia, isaga oo dhanka kale xoojiyey ilaaladiisa gaarka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Labo jeer ka baaqday saacadihii u dambeyey munaasabado ka dhacayay Tiyaatarka Qaranka oo kaabiga ku haya Madaxtooyada, sababo amni.

Wuxuu aaminay in xilligan kala guurka ah ay qatar ku jirto naftiisa, islamarkaana loo soo abaabuli karo qorshe lagu dilayo.

"Cabdisa waa ay jirtaa, ammaanka Villa Somalia aad baa loo adkeeyey, sidoo kale madaxweynaha hadda ma doonayo inuu banaanka kulamo ama xaflado uga qeybgalo" sidaasi waxaa Keydmedia Online u sheegay sarkaal ku sugan Villa Somalia oo sababo amni magaciisa u qarinnay.

Farmaajo oo sugi waayey ammaankiisa ayaa ku faanay inuu amniga dalka wax ka qabtay xilli Villa Somalia cabsi awgeed lagu hareereeyey hub aad u culus.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.