Farmaajo oo bixinaya Ruqsado Shidaal xili doorasho soo dhawdahay

Waxay kusoo aadaysaa ruaqsad-bixinta xili dalka uu doorasho galayo, islamarkaana Farmaajo uu raadinayo mar labaad xilka Madaxweynaha.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo bixinaya Ruqsado Shidaal xili doorasho soo dhawdahay

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Batroolka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dhawaan ay billaabayso bixinta ruqsadaha shidaalka, oo la siinayo dhowr Shirad oo ajnabi ah, kuwaasoo horey sahmin uga sameeyay dalka.

Waxay qorsheynaysaa dowladda Farmaajo maadaama lagu jiro kala-guurka, kahor inta aysan xafiiska baneynin inay iibiso shidaalka ku jira illaa 7 baloog oo ku yaalla xeebaha Galmudug, HirShabeella, Koonfr Galbeed iyo Jubbaland.

Waxay dowladdu yareysay bixinta ruqsada 15 baloog oo ay horey u shaacisay, iyadoo hadda kusoo koobtay ilaa 7 baloog sababo la xiriira caqabadaha dhinaca awooda, sida ay sheegeen Saraakiisha Wasaaradda Batroolka.

Qorshaha wuxuu ahaa 30-ka June 2021 inay Wasaaradda ku bixiso ruqsadaha, balse uu saameyn ku yeeshay COVID-19, oo u diiday inay isu yimaadeen wakiiladda Shirkadaha iyo Wasaaradda Batroolka.

Waxaa jiray heshiisyo hoose oo lala galay Shirkaddo ajnabi ah, oo loogu saxiixay qandaraasyo dalka Turkiga [Halkan ka akhri], waxaana xogta la helayo ay sheegaysaa in Madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaadey Farmaajo ka helayo xaraashka Shidaalka $2 million, oo doorashada ku galayo.

London iyo meelo kale ayuu afartii sano ee Farmaajo lagu xaraashayay Shidaalka dalka Soomaaliya, iyadoo arintan ay kusoo beegmaysa xili aysan heshiis ku wada ahayn Maamullada iyo dowladda saami qeybsiga lacagta laha helayo.

Madax maafiya ah ayaa khayraadkii dalka boob ku haya, waxaana muuqata inaysan jirin cid wax ka qabanaysa xaraashka kalluunka iyo shidaalka lagu sameynayo, oo shaqsiyaad ay ka taajireen.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 19 October 2021 8:08

Colaaddii Gaalkacyo nabad ayaa baddeshay, xasaraddii xasillooni ayaa baddeshay, kala cararkii wada-cawayn ayaa baddeshay, kala cabsashadiina wada-casariyeen iyo caan-wada-cab ayaa lagu baddelay.