Farmaajo oo cadaadis kala kulmaya magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa cadaadis kala kulmayo Beesha Caalamka, kaasoo ku aadan shaqsiga uu usoo magacaabi lahaa Ra'iisul Wasaaraha dalka. 

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo cadaadis kala kulmaya magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa culeys siyaasadeed kala kulmaya soo xulista shaqsigii uu usoo magacaabi lahaa Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dalka ee dhawaan la filayo inuu ku dhawaaqo.

Dowladaha Beesha Caalamka ayaa madaxweynaha ku cadaadinaya in shaqsiga uu soo magacaabayo uu ahaado mid dalka ka bixin karo jahwareerka siyaaaadeed, islamarkaana gaarsiin karo hanaanka doorasho wada ogol laga yahay.

Sida aan wararka ku helayno, Beesha Caalamka ayaa madaxweynaha ka dalbatay in shaqsiga uu soo magacaabayo uu ahaado mid isku xiri karo dhinacyada isku haya siyaasadda ee mucaaradka, Maamul Goboleedyada iyo Baarlamaanka oo haatan kala aragti duwan.

Madaxweynaha ayaa looga digay in uu soo magacaabo Ra'iisul wasaare u janjeera dhinaca muxaafidka kaliya, ee aan xalin karin daruufaha kala guurka ah ee dalka jira.

Dhankiisa madaxeynaha ayaa arintaan u arko mid ku culus, islamarkaana caqabad ku ah qorshihiisa ahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, taasoo u baahan in maamulkiisa loo sameeyo muddo kordhin.

Inkastoo wararku sheegayaan in madaxweynaha durbaba calaamadeystay ruuxii uu u magacaabi lahaa Ra'iisul Wasaaraha ayuu hadane madaxweynaha ka fekerayaa raalli-gelinta Wakiilada iyo fulinta danihiisa siyaasadeed.

Beesha Caalamka ayaa ugu goodisay Madaxweynaha in kaalmada ay siiso jari doonto, waxaana xusid mudan in dhawaan dowladda Mareykanka ay ku hanjabtay in ay tallaabo ka qaadi doonto maamulkiisa waqtiga kasii dhamaanayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 9 June 2021 15:42

Inkastoo runtii la qarinayay muddo dheer kadib ay bannaanka timid, hadana arrinta dhaliyarada loo qaaday Eritrea, ayaa sii murugsanaan karta haddii aysan su’aalahaan muhiimka ah ka jawaabin Rooble iyo Kheyre.