Farmaajo oo CXD ukala qeybinaya labo qeybood

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Farmaajo ayaa wada qorshe uu ku kala qeybinayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo ukala saaraya kuwa isaga daacadda u ah iyo kuwa shaki laga qabo. 

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo CXD ukala qeybinaya labo qeybood

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in ay jirto xog ku saabsan in Madaxweyne Farmaajo oo qorsheynayo inuu laba u qeybiyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, sida uu xogta ku helay Hoggaamiyaha. 

"Waxaan xog sugan ku helaynaa in Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) loo kala qeybinayo kuwo daacad u ah madaxweynaha xilkiisa dhamaaday iyo kuwo shaki laga qabo daacadnimadooda taliyaha ciidanka Generaal Odawaa taliyaha ciidanka lugta Biixi ayaa shaqadaas ku hawlan" ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Wuxuu intaa sii raaciyay "Ciidanka lagu tuhunsan yahay in aysan daacadda aheyn ayaa loo dirayaa furamaha dagaalka ee kooxaha argagexisada, halka kuwa la hubiyey daacadnimadooda loo diyaarinayo boobka doorashooyinka iyo weerarro lagu qaado siyaasiyiinta mucaaradka."

Hoggaamiye CC Warsame ayaa uga digay taliyayaasha ciidanka in aysan horseedin burburka ciidanka, isagoo uga digay ku milanka siyaasadda, "Waana in uu ogaadaa in waa la i amray aysan luquntiisa ka saari doonin danbiyada uu galo" 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.