Farmaajo oo darajadii ciidan ka xayuubiyay Saadaq Joon

Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo ayaa darajadii ciidanka ka xayuubiyay, Taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir S/G, Saadaq Cumar Maxamed ‘Joon’.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo darajadii ciidan ka xayuubiyay Saadaq Joon

MUQDISHO, Soomaaliya – War lagu faafiyay warbaahinta Dowladda, ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu Xeer Madaxweyne xilkii iyo darajadii kaga qaaday S/G, Saadaq Cumar Maxamed ‘Joon’ oo shalay saxaafadda ka sheegay in dalku ku socdo waddo qaldan.

Madaxweynaha Jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa xeer madaxweyne darajadii ciidanka kaga xayuubiyey Taliyihii hore ee Booliska gobolka Banaadir S/G, Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon).”  Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Dowladda.

Sidoo kale Farmaajo, wuxuu joojiyay guud ahaan xuquuqaadkii uu lahaa Saadaq Joon, taas oo ka dhigan in uusan heli doonin ciidamo suga amigiisa oo ka tirsan Booliska Dowladda Fadaraalka iyo mushaaraadkii uu ku lahaa Dowladda.

“Madaxweynaha Jamhuuryadda, ayaa sido kale si waafaqsan sharciga ciidamadda qalabka waxaa uu ka xayuubiyey Saadaq Cumar, waxii xaquuq ah uu lahaa.”  Ayaa sidoo kale lagu yiri waraaqda ka timid Farmaajo.

Sharci yaqaannada ayaa ku doodaya, sax ahaan shiyaha uu Madaxweyne waqtigiisu dhamaaday ku soo saari karo go’aan ceyn kaan ah, waxayna arrintaan bannanka soo dhigeysa qorshaha Farmaajo ee ku aaddan amniga Doorashooyinka, haddiiba ay dhacaan.!

Saadaq Cumar Maxamed ‘Joon’, oo qudhiisu galay danbiyo badan intii uu xilka ku fadhiyay ayaa shalay ka hor yimid muddo kordhintii loo sameeyay Farmaajo, wuxuuna sheegay in uusan aqbali doonin doorasho 15 bilood dib loo dhogo, oo sababi doonta 15 sano oo dalku dib u dhaco.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa shalay xilka ka qaaday Saadaq Joon, waxaana xilka Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir loo magaacabay Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan 'Qaroole' oo loo dallacsiiyey Derejada Gaashaanle Sare.

KEDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.