Farmaajo oo Dhuusamareeb lagu soo dhaweeyay

Madaxweynaha JFS Farmaajo ayaa galabta waqti danbe gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo Dhuusamareeb lagu soo dhaweeyay

DHUUSAMAREEB, Soomaliya - Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay ayaa galabta ka dagay Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo madax kale ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka madaxweynaha ion waftigiisa.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ayaa la xiriira qabsoomida shirkii u dhawaan ku baaqay kaas oo dhexmari doona Madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Rooble ‘Rogane’, Madaweynayaasha Koofur Galbeed iyo HirShabeele ayaa Farmaajo kaga sii horreeyay Magaalada, waxaana la filayaa in Dani iyo Madoobe birri gaaraan.

Shirkaan oo ay marti gelineyaan Dowladda iyo shacabka Galmudug ayaa la filayaa birri ka furmo magaalada Dhuusamareeb.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.