Farmaajo oo dambiile ka dhigtay la-taliye, una dhiibay NISA ‘Farey’

Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee Farmaajo ayaa caawa Fahad Yaasin u magacaabay La-taliyaha Amniga ee Madaxtooyadda, wuxuuna jagadda hogaanka NISA u badalay Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud 'Farey'.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo dambiile ka dhigtay la-taliye, una dhiibay NISA ‘Farey’

Madaxweynihii muddadu ka dhamaatay Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa sheegay in uu 'aqbalay' istiqaalada uu usoo gudbiyay Fahad Yaasin, asigoo u magacaabay La-taliyaha Amniga ee Madaxtooyadda. 

Bayaankaan sadqda dhexe ee Talaaddada lasoo saaray ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud 'Farey' oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir loo dhiibo hogaanka NISA. Farey ayaa saaxiib dhaw la ah  Fahad Yaasiin. 

"Madaxweynaha wuxuu aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda." ayaa lagu qoray warqaddaan lagu faafiyay baraha bulshada ee Villa Somalia. 

Sida ay Keydmedia Online hore usoo qortay, kulan dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, iyo Madaxweynihii muddadu ka dhamaatay Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa waxaa laga gaaray heshiis. 

Ujeedka kulana dhex maray labada dhinac, ayaa ahaa in xal loo helo khilaafka ka dhex aloosan xaafiisyada, kaas oo sababay xasarad siyaasadeed oo xooggan, kadib markii uu Ra’iisul Wasaare Rooble, xilkii ka raacdeeyay Agaasimihii NISA, Fahad Yaasiin.

KON ayaa soo qortay in labada dhinac ay isku af-garteen in Farmaajo aqbalo xilka ka xayuubinta Fahad Yasiin, hayeeshee, Madaxweynihii muddadu ka dhamaatay ayaa ka hor yimid maxakamadeynta taliyihii hore ee NISA, taas oo uu ku adkeystay RW Rooble.

Wixii faah-faahin ah kala soco bogga wararka ee Keydmedia Online

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.