Farmaajo oo fashiliyay Shirkii DG iyo Beesha Caalamka

Farmaajo ayaa waqtiga la luminaya Shacabka, si uu mudo-kordhin u helo.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo fashiliyay Shirkii DG iyo Beesha Caalamka

MUQDISHO, Soomaaliya - Farmaajo ayaa ku guuleystay fashilinta Shirka Beesha Caalamka soo qaban-qaabisay oo la doonayay in la isagu keeno Madaxda shanta Maamul Goboleed ee dalka.

Wuxuu Madaxweynaha mudo-xileedka ka dhamaaday saakay xili hore tagey teendhada Afisyooni, oo ugu yeeray inay imaadaan Qoor-Qoor, Guudlaawe iyo Lafta-Gareen oo taageersan Villa Somalia.

Wuxuu la qaatey kulan saacado badan socday si uu uga lumiyo fursaddii ay ku aadi lahaayeen Shirka kale ee Xalane ka dhaci lahaa galabta, kaasoo Beesha Caalamka gogashiisa fidisay.

Farmaajo ayaa Afisyooni ku kali noqday, oo waayay cid u timaado dhinacyada kale ee muhiimka u ah wadahadalka doorashadda Soomaaliya, sida Axmed Madoobe iyo Deni.

Qorshaha u degsan Farmaajo ayaa la sheegay inuu yahay mudo-korarsi hal sano ah inuu Baarlamaanka u sameeyay, waxaana arintaasi ka shaqeynaya Xafiiskiisa oo Xildhibaanad laaluush u qeybinaya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.