Farmaajo oo god uusan ka bixi karin ku ridey Guudlaawe

Jeneraal Xuud oo Ciidamo ku haysta duleedka Beledweyne, ayaa wacad ku marey inuu dilayo Guudlaawe hadii uu yimaado gobolka Hiiraan.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo god uusan ka bixi karin ku ridey Guudlaawe

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa ka qoomameynaya saaxiibtinimada Farmaajo, kadib markii godkii uu ku riday ku adkaatey inuu ka baxo.

Farmaajo ayaa Guudlaawe ka tuurey haadaan dheer, kadib markii uu xilka Madaxweyne inta kasoo wareejiyay Beesha Xawaadle isaga oo kasoo jeeda Abgaal u dhiibey September 2020.

Mudadii uu Madaxweynaha ahaa Guudlaawe waxaa ku adkaatey inuu cagta saaro Beledweyne, iyadoo Maamulkiisa noqdey mid dhaafi waayay Jowhar, oo lagu aas-aasey 6 sano kahor.

Waxaa Guudlaawe laf-dhuun-gashay ku noqdey Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud, oo ah hogaamiyaha gole isku magacaabay Kacdoonka G/Hiiraan, kaasoo u diidey Beledweyne.

Farmaajo ayaa burburiyay nidaamkii awood-qeybsiga Beelaha HirShabeelle, gaar ahaan xilka Madaxweynaha oo markii horey lagu heshiiyay in Xawaadle la siiyo, islamarkaana Abgaal la siiyo Caasimadda iyo Madaxweyne ku-xigeen, taasoo kusoo shaqeynayay xiligii Xasan Sheekh dalka ka ahaa Madaxweynaha.

Beesha Xawaadle ayaa aad uga carootey in laga wareejiyo kursiga ugu sareeya HirShabeelle, waxayna taasi keentay inay gadood sameeyaan oo ay kalsoonida kala noqdaan maamulkan Villa Somalia faragelinta xoogga leh ku hayso.

Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud, oo Ciidamo badan ku abaabulay duleedka Beledweyne ayaa sheegay inuusan aqoonsanayn Guudlaawe, islamarkaana uu dilayo hadii uu isku dayo inuu yimaado gobolka Hiiraan, oo uu sheegay in loo dhisayo maamul gaar ah.

Hadda Guudlaawe waxuu dhexda uga jiraa dhiiqo Farmaajo lugaha u geliyay, oo aan jirin cid ka saari karta, waxaana uu mudo-xileedkiisa ku dhameysan rabaa Muqdisho iyo Jowhar inuu u dhaxeeyo, oo uusan tagin gobolka Hiiraan, oo doorashadii la filayay inay dhacdo suurta-gal tahay inuu Fahad Yaasiin usoo wareejiyo Caasimadda dalka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.