Farmaajo oo guul siyaasadeed ka dhiganaya Jidad la furay

Wadooyin aad gaadiidka dadweynaha ka gudbin saddexdii sano ee lasoo dhaafay, ayaa laga qaadey xalay Dhagxaantii ku go'nayd, kuwaasoo ay kamid yihiin isgoysyada Tarabuunka, Bakaaraha, Florence, Siinaay, Sanca iyo Jardiinka.

Warar Keydmedia Online
Farmaajo oo guul siyaasadeed ka dhiganaya Jidad la furay

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka Farmaajo ee waqtiga kasoo dhamaanaya ayaa bishan billaabey inuu qaado jidgooyadda iyo dhagxaantii uu dhigay wadooyinka Muqdisho xili ay soo dhawdahay doorashadda.

Ujeedka lama sheegin, laakiin wararka ay Keydmedia Online heshay ayaa sheegaya in tallaabadan uu Farmaajo ku raadinayo kalsoonida shacabka ee uu lumiyay saddexdii sano ee lasoo dhaafay, isagoo doonaya in dhagxaanta uu qaadayo ka dhigto guul siyaasadeed.

Ciidanka dawladda ayaa xalay dhagxaan ka qaadey Isgoysyadda Tarabuunka, Sheekh Cali Suufi [KPP], Bakaaraha, Sanca, Siinaay, Jardiinka iyo Seybiyaano, waxaana saddex sano kadib shacabka iyo gaadiidka dadweynaha u suurta-gashay inay isaga kala gudbaan.

Todobaadkii lasoo dhaafay, dhowr wado ayaa laga qaadey dhagxaanta, laakiin waxay shacabka Muqdisho hadal-hayaan in kuwa kale lagu bedelayo, oo lasii adkaynayo jidgooyadda uu u dhigay Farmaajo.

Keydmedia Online ayaa Warbixn ku qotontay dareenka bulshada Muqdisho ka qortay xiritaanka Waddooyinka, taaso sababtay in deg-deg looga jawaabo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.